SOMALINET NEWS ...Archives
XILDHIBAANO KA WALAACSAN XAALADA GOBOLKA HIIRAAN May 16, 2005
Qaar ka mida xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan oo walaac ka muujiyay hub lagu soo daabulo Gobolka.Xildhibaanadan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hubkan laga soo daabulo dowladda Ethiopia islamarkaasina uu dhibaato hor leh ka abuurayo gobolka oo dhan iyo guudahaan wadanka soomaaliya
Cali Cismaan Jidow iyo Saleebaan Colaad Rooble oo ka soo jeeda gobolka hiiraan gaarahaana beelaha Makane ee ku dhaqaan halkaasi ayaa sidoo kale ku waramaya in xaalado Qatar ah ay ku soo fool leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Hiiraan kaasoo ay ku tilmaameen inay ka danbeeyaan Shaqsiyaad leh danno gaar ah waa sida ay hadalka u dhigeene,waxayna sheegeen in Gobolka ay soo gaareen Hub iyo Rasaas dowladda Ethiopia ay soo siisay dad ka soo jeeda Gobolka
Xildhibaan Cali Cismaan Jidow oo maanta ka hadlayay kulan ay yeesheen beelaha Makane ee ku dhaqan magaalada Muqdisho loogana hadlayay xaaladda nabadgelyo ee gobolada Hiiraan iyo Banaadir ayaa tibaaxay in hubkani uu colaad hor leh ka abuurayo Dalka islamarkaana ay Ethiopia sii hurineyso dhibaatada Soomaliya iyadoo islamarkaana faragelin joogtaa ay ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya
Ugu danbeeytii waxaa uu xusay inay qalad tahay hub soo gelinta dalka ee ay waddo dowladda Ethiopia waxaana uu Yiri’soomaaliya xiligan uma baahna hub kale’isagoo ugu baaqay hogaamiya dhaqameedyada Hiiraan inay si wadajir ah uga hortagaan hubka la soo gelinayo Gobolka
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia