site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

DAGAAL MAANTA KA QARXAY DEEGAANKA BUURDHUUBO EE G/GEDO May 16, 2005

Dagaalkan ayaa wararka ka imaanaya goobtaasi waxaa ay sheegayaan inay isaga hor yimaadeen laba maliishiyo, iyadoo dagaalkani uu geystay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa wararku tilmaamayaan inuu bilowday duhurminadii maanta waxaana jira warar sheegaya in Magaalada haatan ay la wareegeen Maliishiyo ka amarqaadata colonel C/risaaq Isaaq Biixi,iyadoo horay ay u joogeen maliishiyooyin hoostaga Wasiirka Hantida iyo Qalabeeynta dowladda federaalka KMG Soomaliya Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan wadanka Ethiopia.

Iska hor imaadkan ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen laba ruux oo mid ka mida uu ahaa Nabadoon laga yaqaano deegaankaasi.

Wararka laga helayo deegaanka Buurdhuubo ayaa sidoo kale tilmaayaya in dadka deegaanku ay ka qaxeen guryahoodii,iyagoo u cararay banaanka Magaalada halka qaarkoodna ay gaareen deegaanada ku xeeran Buurdhuubo.

Ilaa iminka ma cadda sababta keentay dagaalkaasi hase ahaatee waxaa lagu waramayaa inay jiraan Odayaal iyo Waxgarad ku soo baxay shaqaaqadan.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia