SOMALINET NEWS ...Archives
DAGAAL XOOGGAN OO MAANTA KA BILAWDAY XERTA SHEEKH AADAN DHEERE May 17, 2005
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Caruurta ay kala dhaleen labada Sheekh ee Suufiyada caanka ku ah gaarahaan dariiqadda Qaadiriyada loo yaqaano, dagaalkan ayaa la isu adeegasaday noocyada kala duwan ee hubka,waxaana uu dagaalkani sababay inay joogsadaan adeegyadii teleefoon ee shirkadda Hormuud kagadaal markii uu haleelay mid ka mida Sawaariiqda ay ridayeen labada dhinac.
Ilaa hadda ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac iyo dadka ku dhaqan agagaarka Xerada hase ahaatee waxaa jira qax ay dadka deegaanku kaga hayaamaan guryahooda shaqaaqada socota awgeed
Inkastoo uu dagaalku socdo hadana waxaa jira Odoyaal iyo Nabadoono wada dadaal ay ku doonayaan joojinta tacshiiradda
Dagaalkan oo ah kii labaad ee dhaca muddo bil gudaheed ah ayaa salka ku haya milkiyadda Dhulka ay xeradu ku fadhiso oo gaaraya ku dhowaad boqol boos, kuna yaala bartamaha magaalada Muqdisho,qolo waliba waxaa ay ku doodeysaa inuu Aabahood uu lahaa dhulka inkastoo uu jiro Document muujinaya lahaanshaha oo ay soo bandhigeen warsada Sheekh Aadan hadana reer Sheekh Maxamad Faarax waxaa ay leeyihiin inaguna waxaan heynaa waraaqo caddeynaya milkiyadda dhulka xeradu ay ku taalo
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia