site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

DAGAAL KA DHACAY XAMAR May 17, 2005

Dhimasho iyo dhaawac ay geysteen dagaal dhexmaray maanta warasada laba sheekh oo caanka soomaliya

Dagaalkan oo bilowday manta duhurnimadii ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay dad gaaraya ilaa 4 ruux,waxaana ku dhaawacmay ilaa 9 ruux oo kale.

Dagaalkan oo Iminka ka soconaya xaafadda geed jaceeyl ee degmada wardhiigleey ayaa labada dhinac waxa ay isu adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka Waxaa jiray isku dayo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadan oo salka ku heysa lahaanshaha xeeyndaabka xeradu ay ku fadhiso,kaasi oo haatan u muuqda mid lagu guuldareeystay.

Dadweynaha magaalada muqdisho ayaa si weyn uga xumaaday iska horimaadkan dhex maray caruurta ay dhaleen labada sheekh ee macruufka ka ah wadanka soomaaliya,gaarahaan dariiqadda qaadiriyada ee suufiyadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira gurmad ay helayaan labada dhinac iyadoo welina ay socdaan rasaas goos goos ah,waxaana ay geeysteen qax kedis oo ku yimid dadka deegaanka iyo qadka shirikadda hormuud oo hawada ka baxay markii gantaal marin haboow ah uu ku dhacay hase ahaatee iminka mar kale soo laabtay.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia