SOMALINET NEWS ...Archives
AFHAYEENKA BAARLAMAANKA OO DIB U DHIGAY FADHIGA GOLIHIISA May 17, 2005
Gudoomiyaha baarlamaanka iyo qaar kamida xildhibaanada ku sugan muqdisho ayaa maanta shir ku yeeshay hotelka Saxafi ee Muqdisho waxaana kulankoodii ay soo saareen qodobo door ah kuwaasoo uu ka mid ahaa in dib loo dhigo fadhiga baarlamaanka bacdamaa ay maanta aheyd 17ka May oo ah maalintii uu gudoomiyuhu ku baaqay qabashada kulanka baarlamaanka intii uu joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Waxaa kale oo kulankii ay yeesheen ka soo baxay in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday meelo ka mida Soomaaliya,sidoo kale waxaa lagu sheegay in la dardar geliyo howlaha labada gole ay ka wadaan magaalada muqdisho
Sidoo kale waxaa ay xubnihii maanta kulmay isla garteen in kulankii Nairobi uu ahaa mid aan sinnaba u aheyn sharci sida uu shabakadda wararka somalinet xarunteeda muqdisho uu u xaqiiyiyay xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka labada gole ee muqdisho jooga,waxaa kale oo uu tilmaamay in afhayeenka baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan uu dib u dhigay kala fadhiga baarlaamka hase ahaatee waxaa uusan meesha ka saarin qabashada fadhiyada baarlamaanka ee dhowaan oo uu ahmiyad gaar ah siiyay
Fadhigii baarlamaanka ee hoteelka saxafi ayaa ku dhamaaday sida wararku sheegayaan jawi wanaagsan
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia