SOMALINET NEWS ...Archives
XAALADDA BUURDHUUBO OO XASILOON May 17, 2005
Wararka ka imaanaya deegaanka buurdhuubo ee gobolka gedo ayaa sheegaya in haatan ay xasiloon tahay magaaladaasi kadib markii shalay ay qabsadeen maliishiyo hubeeysan oo soo hujuuntay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maliishiyadani ay iskood uga baxeen magaalada waxaana markale soo laabtay adeegyadii caadiga ahaa ee dadweynaha sida isgaarsiinta iyo ganacsiga oo shalay meesha ka baxay markii uu dhacay dagaal ay ku dhinteen laba ruux oo lakala oran jiray xuseen maxamad garbuul iyo maxamad jeele faarax
Maliishiyadan dagaalka ku soo qaadday buurdhuubo ayaa dhacay gaari noociisu yahay land cruiser waxaana lagu soo waramayaa inay u wateen halkii ay markii hore ka soo duuleen oo aheyd degmada garbahaareey oo ah isla gobolka gedo
Maliishiyadan ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin ururka SNF garabka C/risaaq isaaq biixi uu hogaamiyo,waxaana magaalada horay u joogay kuwa hoostagga wasiirka hantida iyo qalabeeynta Maxamuud Siid Aadan oo iminka ku sugan magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia