site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO GANACSATO LA KULMAY May 17, 2005

Guddoomiya golaha shacabka qaranka soomaaliyeed md shriif xasan sheekh aadan oo ay wehliyeen xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa manta gellinkii dambe waxaa ay kulan la qaateen ganacsato caan ka ah magaalada muqdisho kuwaasoo uu shariifku kala hadlayay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen howlaha baaxadda lah ee nabadeynta caasimadda.

Kulankan oo ka dhacay guriga ganacsade xaaji abuukar cumar caddaan ayaa leysku dhaafsaday araa la xiriirta sida ugu habboon ee ganacsatadu gacan uga geysan karaan ol-olahan imminka soconya ee ku saabsan xereynta malleeshiyaadka iyo sida ay kaalintooda u qaadan lahaayeen ganacsatadu.

Waxyabaha kale ee ay kawada hadleen Shiifka iyo ganasatada ayaa waxaa ka mid ahaa sida aanu ka soo xigannay qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii kulankaasi sidii ay labada gole ee dowladda iyo ganacsatada gacant ku heysa dekedda ceel macan ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd.

Ganacsade Abuukar Cumar caddaan oo kahadlay madashii kulankaasi ayaa waxa lagu warraamay inuu ballanqaad u sameeyay shariifa iyo madaxdii akle ee la socotay ku saabsan gacan ka geysashada nabadeynta muqdiho in kastoo aan rasmi ahaan loo faafin taasi.

Mas’uuliyiinta kale ee kulankaasi ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa W/k xigeenka gaadiidka badda iyo dekadaha md Xirsi Aadan, xildhibaan inj maxamed xuseen caddow,gancsade C/rashiid Ilqeyte,C/qaadir Eenow,Khdiija Cosoble, Siid Cali Iyo xubno kale oo isugu jiray xildhibaanno iyo ganacsataba.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia