SOMALINET NEWS ...Archives
GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO SHIR LA QAATAY LABADA GOLE EE KU SUGAN XAMAR May 17, 2005
Guddoomiyaha golaha baarlamaanka soomaaliya md shariif xasan sheekh aaadan ayaa maanta waxaa uu shir muhiim ahaa la qaatay xubnaha labada gole ee iyagu beryahaan ku masgquulsanaa nabadeynta magaalada muqdiho kaasoo ay kaga wada hadlayeen arrimo dan u ah shacabka soomaaliyeed.
Kulankan oo albaabada laysu xirtay ayaa kadib markii uu soo geba-geboobay waxaa saxaafadda lahadlay xildhibaan cumar xaashi aadan oo isagu ah af hayeenka labada gole ee ku sugan muqdisho, wuxuuna sheegay inay kulankan isugu yimaadeen xubnihii labada gole ee horay xamar u joogay iyo kuwa la socday gudoomiye shariif xasan, cumar xaashi waxaa uu intaa sii raaciyay in kulankani uu ahaa kii ugu horreeyay ee baarlamaanku ku yeesho magaalada caasimadda ah ee Muqdisho tan iyo intii lagu soo dhisay xarunta Kenya ee Nayrobi.
Sida uu ku warramay xildhibaan Cumar Xaashi waxaa loogaga dlay kulankan taariikhiga ahaa dar dar gelinta howlaha ammaan sugidda ah ee beryahaan lagu howlanaa iyo iclaamintii Guddoomiyaha baarlamaanka uu hore u iclaamiyay in baarlamaanku shiro 17-ka may mar uu joogay Nayrobi.
Xildhibaanka oo ka jawaabayay su.aal ay saxaafaddu weydiisay oo aheyd mawaxaad raadineysaan kooram aad xilka ugaga tuurtaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf yaa ku
jawaabay inaan arrimaha ceynkaas ahi waxba ka jirin waana been abuur aan meel loo raaco laheyn ayuu sii daba dhigay isagoo xusay inaan haba yaraatee taas aaney
qorshaha ugu jirin dalkana uu maanya u baahanyahay badbaado.
Ugu dambeyntiina shirkii maantay ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu magacaabay shan xubnood oo guddi ah waxaana guddoomiye u ah R/k/xigeenka md Sifir kuwaasoo qoraal cad ka soo saaro doona qaraarkii uu qaatay dhawaan golaha amniga ee AU-da kaasoo dhigayay in ciidamo lasoo geliyo soomaaliya
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia