SOMALINET NEWS ...Archives
MADASHA KA HORTAGA COLAADAHA: WAR SAXAAFADEED (QEYLO DHAAN BADBAADO QARAN) May 17, 2005
<|fph.gif||left|>MADASHA KA-HORTAGGA COLAADAHAFORUM FOR PREVENTION OF HOSTILITIES
Mogadishu - Somalia
Phone No: +2525 9 60810, 66477,61739,66760, 43399 +252 1 574505,281740
Fax No +252 1 220058,219999
Emails:fph@yahoo.com fph@hotmail.com
Ku : Madaxweeynaha Jamhuriyadda Federaliga KMG Soomaaliya
Ku : Guddoomiyaha Barlamaanka Federaliga KMG Soomaaliya
Ku : Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaaliga KMG Soomaaliya
Ku : Xubnaha Golayaasha Soomaaliya
Ujeeddo: Qeylo Dhaan Badbaado Qaran
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Salaan kadib, Madasha Ka Hortagga Colaadaha, iyadoo ka ambaqaadeysa xilkeeda ah in ay digniin ka bixiso waxyaabaha keena ama kobciya colaadaha iyo garaacidda Irdaha cid kasta oo wax ka qaban karta oo ay ugu horreeyaan masuuliyinta qaranka, waxay xusuusineysa Madaxda Siyaasadeed ee soomalida in qeybsanaantooda iyo dib ugu noqoshada is kooxeeysiga xubnaha Golayaasha Qaranka ay horseedi karto burbur qaran oo baaxad leh.
Is faham la’aanta iyo kala ood rogashada Guddomiyaha barlamaanka iyo Madaxweynaha ee ka dhalatay shirkii barlamanka ee la qabtay 11 kii bishan May 2005 ayaa ah dhiillo hor leh oo ku soo korortay khilaafkii hore ee la xiriiray keenista Dalka Ciidamo Taagero nabadda (Peace Supporting Forces) iyo isla meel dhigid fadhi ku meel gaar ah oo ay dawladda u guurto.
Sida hadda muuqato ilaa iyo hadda mas’uuliyiintu kuma guuleeysan in ay xal ka gaaraan kala duwanaashahooda arrimaha kor ku xusan, balse waxaa soo baxaysa, iyadoon aysan jirin talo mideysan in lagu noqonayo dalka gudahiisa oo ay ka kala degayaan degaanada kala ah Jowhar, Baidhabo iyo Muqdisho taasoo sida waxagaradka Soomaaliyeed iyo madasha-ba u arkaan inay ka dhigan tahay go’aamin dagaal Sokeeye
Talo Soo Jeedin
Madxweeynaha Federaliga KMG Soomaaliya Md Cabdullaahi Yusuf Ahmed waxaan u soo jeedineynaa inta uusan aadin safarkiisa Caafimaad in uu dadal dheeraad ah geliyo sidii ay suurta-gal ku noqon lahayd wada xaajood in laga galo Arrimaha is-maandhaafka dhaliyay iyadoo laga horumarinayo danaha Soomaalida kuwa isbaheysiyada iyo saaxiibada siyaasadeed ee gobolka iyo caalamkaba. Sidoo kale waxaan madaxweynaha ka codsaneynaa in uu u guntado dhiiri-gelinta iyo ilaalintada wada shaqeynta golayasha qaranka.
Guddoomiyaha Baarlamanka Federaliga KMG Soomaaliya Md. Sharif Xasan waxaan u jeedineynaa in uu hakiyo safarkiisa Muqdishu una guntado in uu door ka cayaaro suurta gelinta qabasho shir degdeg ah oo looga xaajoodo arrimaha is-maandhaafka keenay. In lagu kala baxo Sharciga halagu daro dadaal diblomaasiyadeed oo keeni kara is qancin horseedda ka gudbid caqabadaha jira iyo Guul u soo hoyata dhammaan Soomaalida.
Ra’iisul Wasaaraha jamhuriydda Federaaliga KMG Soomaaliya waxaan u jeedineynaa in uu kasbado kalsoonida xubnaha labada gole qaadana dardar diblomaasiyaded oo hor leh uu ku raadinayo is faham iyo isu soo dhawaasho golahiisa wasiirada, si looga gudbo is-mariwaaga siyaasaded ee hadda taagan.
Waxaan si wada jir ah Madaxweeynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Barlamaankaba Ugu soo jeedineynaa in si dhaqsiya leh loo dhiso hay’adda garsoorka qaranka si loo helo Nidaamka is hubinta iyo is-dheelli tirka (Checks and Balances) ee Seddexda Awoodood ee Qranka iyo Marjac lola noqdo sharcinimada (legality) go’aanada Golayaasha.
Mahadsanidiin
Xoghaynta Madasha Ka Hortagga Colaadaha
1. Mr. Abdirahman Husen Abdi (Kolli)
2. Eng. Mohamoud Hassan Tifow
3. Eng. Abdi Alasow Ga’al
4. Av. Omar M.Abdulle
5. Dr. Salaad Fidow Duhul
6. Eng. Abdullahi M. ceynte.
MADASHA KA-HORTAGGA COLAADAHA
FORUM FOR PREVENTION OF HOSTILITIES
Mogadishu - Somalia
Phone No: +2525 9 60810, 66477,61739,66760, 43399 +252 1 574505,281740
Fax No +252 1 220058,219999
Emails:fph@yahoo.com fph@hotmail.com