site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GENERAL GALAAL OO KA HADLAY MALEESHIDA LA ARUURINAYO May 18, 2005

Jenaraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sar are ee ciidamada XDS oo shegay maanta in shuruudo lagu xerayo malleeshiyaadka cusub ee aan weli ku xeroon goobaha loo cayimay.

Jenaraal Galaal oo ka hadlayay howlaha la xiriira xeraynta malleeshiyaadka magaalada Muqdisho iyo gaadiidka dagaalka ee laga saarayo gudaha magaalada ayaa sheegay in marka lagu daro 35tikniko ah oo lagu wado in maanta la geeyo xerada Hiilweyne ay noqoneyso tirada guud ee gaadiidka dagaal ee laga saaray magaalada illaa 70,isagoo sidoo kalana xusay in tirada malleeshiyada la sereeyay ay gaareyso illaa kun hore malleeshiyo u ahaa,

Jenaraal galaal wuxuu intaasi ku sii daray in tirada gaadiidka dagaalka ee la qoondeeyay in la xereeyo ay aheyd illaa 85,kuwaasoo ay haatan ka dhimman yihiin 15 oo kaliya wuxuuna sheegay inaaney weli buuxin shuruudihii lagu xareynlahaa kuwo kale oo doonayay iney iyaguna ku biiraan qolyaha xerooday,

Jenanku waxaa kaluu sheegay inaaney jirin cid diidday inay soo xerayso qeybtii ku soo aadday ee laga doonayay iney ka xereeyaan magaalada hase ahaatee waxaa uu sheegay iney jiraan shuruudo laga doonayo gaadiidka la xereynayo oo uu ka xusay in loo baahanyahay gaadiid dhameystiran oo aan haba yaraatee wax cillad ah laheyn,tiro ciidan ah oo gaari walbaa saran,iyoinuu wato gaarigu shidaal dhammeystiran

Jen Galaal waxaa uu kula dardaarmay Ragga soo xereeryay malleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalkaba iney kormeeraan xeryaha si niyadda ciidamada cusubi ay u wanaagsanaato sida uu yeelay buu yiri Wasiirka Ganacsiga md Muuse Suudi oo illaa iyo markii la xereeyay ciidamadani la deggenaa lana qeybsanay nolasha cusub ee u billaabantay Malleeshiyaadkii Muqdisho.Jen, galaal ayaa ugu dambeyntii saxaafada u sheegay in wejiga labaad ee xereynta malleeshiyaadka ay gaarsiin doonaan illaa 130 tikniko ah iyo tiro malleeshiyo ah oo idna gaaraysa illaa iyo ku dhawaad laba kun oo askari.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia