SOMALINET NEWS ...Archives
DAD LAGU LAAYEY GAARI RAKAAB AH GOBOLKA HIIRAAN May 18, 2005
Seddex qofood ayaa dhimatay illaa tiddobo kalena waxaa soo garay dhaawacyo ka dib markii maanta ay Dableey hubaysani ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka ah oo marayay nawaaxiga degmada buuloburde ee G/ Hiraan
Wararka aannu ka helayno degmada buulaay oo ka tirsan degmooyinka hoostaga G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in saakay malleeshiyo hubaysani ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah oo marayay deegaanka Jaaboole oo aan wax sidaa ahi ka fogeyn Deg.buuloburte
Gaarigan oo la sheegay inuu ka yimi dhankaa iyo dhsamareeb oo ah xarunta G/ Galgaduud islamarkaana ku soo jeeday Magaalad muqdisho ayaa dadka wax ku noqday ee dhintay ama dhaawacu soo gaarayba ay ahaayeen rakaabii gaariga la socday iyadoo dadka dhaawacmayna ay ka mid yihiin labo ruux oo Dumar ah,
Macadda sababta dhabta ah ee ay malleeshiyadu urasaaseysay gaariga hase ahaatee warar ayaa sheegaya in wadaha gaarigu uu si xoog ah ku jiiray jidgooyo u tiilay malleeshiyada dadkii dhaawacamay oo toddobo ruux ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo soo ghigay dhinacaa iyo jowhar si loogu dawweeyo iyadoo seddexda ruux ee geeriyootayna ay waraku sheegayaan in lagu aasay halkii ay waxyeeladu ka dhacday
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia