SOMALINET NEWS ...Archives
SHIR KA DHACAY XAMAR May 18, 2005
Guddigan oo lagu magacaabo guddiga dhaqaalaha oo ay dhawaan iska dhex doorteen mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ee ku sugan magaaladan caasimadda ah ee Muqdisho ayuu maantay kulan laqaatay Guddoomiye Shariif Xasan, kulankaas oo ka dhacay Hoteelka Saxafi International ee magaaladan ku yaalla.
Shirkan ay yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka Soomaaliyeed md Shariif Xasan iyo Guddigan Baarlamaaniga ah ee dhaqaalaha ayaa geba gebadiisii kadib waxaa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii laga wada hadlay,wuxuuna sheegay in guddigani loo abuuray isku duwidda dhaqaalaha iisla mar ahaantaana uu ka koobanyahay kow iyo toban xubnood sababta loo sameeyayna waxaa uu ku sheegay inay tahay sidii dhaqaale loogu heli lahaa howlaha nabadeynta oou baahan buu yiri dhaqaale aad u badan oo malleeshiyaadka la xereeyay wax loogu qabto
Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa intaa sii raaciyay iney maalinta berri ah u qorsheysantahay iney kulan ballaaran la qaataan ganacsatada waaweyn ee gobolka banaadir iyagoo sida uu sheegay kala hadli doona dardar gelinta howlaha nabadeynta oo aan dhaqaale la,aan socon karaynin,wuxuuna xusay xildhibaanku in imminka shariikadaha Dahabshiil iyo Globol laga furay sanaadiiq dhaqaale loogu ururinayo howlaha nabadeynta isagii intaa sii daba dhigay in ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee deeq lacageed soo gaarsiiya howlahani urur Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hawiye Action Grub oo ka jirawaddanka Canada Kuwaasoo soo gaarsiiyay lacag gaareysa $1000 oo lacagta mareykanka ah, wuxuuna Cumar Xaashi ugu baaqay Shirkadaha, Ururada, gancsatada, iyo shaqsiyaadka kale ee jecel nabadkusoo dabbaalida Muqdisho iyo guud ahaan Dalkaba ee kusugan gudaha dalaka iyo dibadahaba iney gacan ka getstaan dhaqaalahan la ururinayo wax u qabashada shacabka.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia