SOMALINET NEWS ...Archives
SAFARKII MORGAN EE XAMAR OO BAAQDAY May 18, 2005
Jenaraal moorgan, maxlax maxamed siyaad barre iyo xildhibaano la filaayey in ay Muqdisho Yimaadaan oo baaqdey
Jen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ah hogaamiyaasha dagaal ee Soomaaliya oo bilihii ugu danbysay ku sugnaa dalka Kenya ayaa sheegay xalay inuu dib u dhigay booqashadisa sida weyn loo dhowrayay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho maanta oo arbaco ah.
Jen. Moragn oo aan imaan Muqdisho tan iyo qaran burburkii dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii ayaa ka baaqsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha uu dib ugu dhigay socdaalkiisa caasimadda Soomaaliya oo la tilmaamay in dad badan ay ka muujiyeen argatiyo kala duwan.
Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku howlan yahay sidii xiriiro uu ula soo sameyn lahaa qaar ka mid ah hogaamiyaasha Muqdisho si ay u sugaan amaankiisa inta uu Muqdisho jooga isaga iyo wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Maslax Maxamed Siyaad.
wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in Jen. Morgan uu caro weyn ka muujiyay fikrado uu horey ugu soo bandhigay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku saleysan xaaladda gobolada Jubooyinka uu ku hanweynyahay in markale gacantiisa ay ku soo laabato ,hase ahaatee arintaasi aaney u suurto galin marar badan uu isku dayay xigtay saraakiisha ciidamada Isbaheysiga dooxada Juba.
mar wax lag aweydiiyey arimaha dagaallada sokeeye ayuu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu noqon doono odey nabadeed iskane daayey dagaal danbe sida laga soo xigatay jenanka nafsad ahaantiisa.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia