site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

BASHIIR RAAGE OO SHEEGAY INUU DIYAAR U YAHAY XAREYNTA MALIISHIYADIISA May 19, 2005

Gnacsade bashiir raage shiiraar iyo C/Qaadir beebe oo shalay ka soo laabtay safar ay muddo todobaad ah ku joogeen magaaladda Nairobi ayaa caddeeyay inuu soo dhoweynayo mowqifka labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho.

Bashiir raage ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan inuu yahay nin daacad ah oo weliba wadani ah markii ay kulmeen, waxaa kale oo uu xusay inuu diyaar u yahay inuu ka saaro caasimada muqdisho hubka uu leeyahay iyo ciidamada isaga hoos taga islamarkaasina uu doonayo in la xareeyo waxaa uuna intaa ku daray in maalmaha soo socda uu u howlgelayo arimaha la xiriira amaanka muqdisho.

Bashiir raage shiiraar ayaa sharci darro ku tilmaamay kulankii ay yeesheen qaar ka mida xildhibaanada ee lagu go`aamiyay in ciidamo afrikaan ah la keeno soomaliya,kulankaasoo uu ka maqnaa afhayeenka baarlamaanka, wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ah kala fogeeyn.

Ganacsadahan ayaa qirtay in safarkiisii Nairobi uu la kulmay ra`iisal wasaaraha iyo madaxweynaha hase ahaatee waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia