site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

MALEESHIYOOYIN TABABAR FARSAMO LOO FURAYO May 20, 2005

Wasiirka hub kadhigista iyo Dhaqan Celinta Malleeshiyaadka Md Bootaan Ciise Caalin oo maanta sheegay in qaar kamida Malleeshiyaadkii xamar la barayo farsamo gacmeedyo.

Wasiirkani oo manta booqday xarunta farsamada Warshadaha ee loo yaqaanno xero Jarmal oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay ujeedada kormeerkiisa inay la xiriirto mid ay Dowladda FKMG ahi ay ku qorsheyneyso dhawaan in halkaasi ay tababar xirfadeed uga furto malleeshiyooyinka Muqdisho ee aan iyagu ka qybta qaadan tababarada ciidan ee ka soconayo xeryaha Hiil-Weyne iyo Laanta-Buuro.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu xero jarmal kula kulmay maamulaka xeradaasi kuwaasoo uu la sooqaaday ujeedada Dowladda si wanaagsan ayayna u soo dhaweeyeen buu yiri qorshayaasha dowladda iygoo ballan ku qaaday inay siwanaagsan u fulinayaan kaalintooda ku aaddan,xaruntani farsamada ee xero Jarmal ayaa iyadu ka badbaadday dhismo iyo qalab ahaanba burburkii iyo bililiqadii meelo badan oo muhiim u ahaa adeegyada dadweynaha oo dalka ku yiil ku dhacday.

Xasan Maxamad Guuleed (xasan farey)oo isagu ah maamulaha xeradaasi yaa ku tilmaamay Kormeerka Wasiirku inay tahay middii ugu horreysay ee uu xeradu ku yimaado mas’uul katirsan Dowladda Cusub ee Soomaaliya waanan soo dhaweyneynaa maadaama ay tahay xeradanu mid ku habboon dhaqancelinta loo sammeynayo malleeshiyaadka ogol iminka iney hubka dhigaan Xasan farey waxaa uu ugu dambeyn sheegay in ay diyaar u yihiin ku wareejinta Dowladda ee xeradaasi isagoo xusay in muddo ku dhaw 15-sano ay soo xafidayeen.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia