site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

GANACSATO KU DHAWAAQDAY TAAKULAYNTA CIIDAMADA LA XAREEYEY May 20, 2005

Midowga Ganacsatada G/Banaadir ayaa Shaaca ka qaaday maanta iney usoo jeesteen ka qeybqaadashada ololaha beryahaan dambe loogu jiray nabadeynta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaaneey caddeeyeen inay taageersanyihii howlaha ay qabteen mudanayaasha labad gole ee indhawaalaba xamar ku sugnaa,midowga ganacsatadu waxaa ay sidoo kale saxaafadda u sheegeen iney malleeshiyadooda iyo gaadiidka dagaal ee ay leeyihiinba ku biirin doonaan Ciidamada cusub ee dhawwaan uu tababarku uga furmay xeryaha kala ah Hiil-Weyne iyo Laanta-Buuro oo labaduba ku yaalla deegaanno kala hoos taga Gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Maxamuud C/kariin oo isagu ah Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada G/banaadir ayaa ku nuuxnuuxsaday in ka sokow xereynta ciidanka iyo tiknikada ay ganacsatadu diyaar u yihiin taakuleynta dhammaanba adeegyada iyo tasiilaadka ay u baahanyihiin ciidamada xerooday iyo kuwa iminka diyaarka u’ahba

Gudoomiyahan oo sii hadlayay ayaa xusay in markii horeba iyaga waa ganacsatada’e aan wax dhib ah lagu qabin hubkooda iyo malleeshiyaad-koodaba,oo aaney cidina wax ugeysan jirin kuna ekaayeen oo kaliya iney isku waardiyeeyaan laakiin hada si kasta ooy ahaatababa waxaan diyaar unahay inaan ka bixinno magaalada ayuu yiri isagoo ugu dambeyntiina sheegay iney iska dhex saareen guddi ka kooban 4 xubnood oo sida uu sheegay soo dersi doona waxyaabaha sida degdegga ah ay ugu baahanyihiin xeryaha hadeer la degay iyo kuwa kalee la diyaarinayo intaba.

Hadalkan ay jeediyeen Ganacsatada ayaa sida muuqata jawaabcelin uah baaq uu hore ganacsatada,ururada,iyo shaqsiyaadkaba ugu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliyeed md Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa in gacan laga geysto taakuleynta ciidamada cusub ee xerooday kuwaasoo lagaga fadhiyo iney nabadeeyaan Muqdisho.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia