site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO MAREYKANKA OO MAANTA KA DHACAY MUQDISHO May 20, 2005

Boqolaal dad ah ayaa maanta salaadii Jimce kadib isugu soo baxay fagaaraha Taribuunka ee Magaalada Muqdisho,banaanbaxan oo ahaa mid horay loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu cambaareeyay dowaladda Mareykanka iyo falkii ay askartooda joogta Xabsiga Guantanamo ee dalka Cuba ay kula dhaqaaqeen kitaabka Alle ee Muqadaska ah iyo fal kale oo dhacay gudaha Wadanka Ciraaq oo askar American ahi ay gudaha u galeen Masaajid islamarkaana ay kutubtii taalay ku xardheen calaamadda Masiixiyadda

Banaanbaxan oo ay soo agaasimeen Dalladda cullumadda soomaaliyeed iyo midowga maxaakiinta islaamiga ah ayaa waxay dadkii iyo culimadii ka soo qeyb gashay ay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin falkaas.waxayna wateen boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ka mid ahaayeen Kalaamka Alle allow kor ka yeel,kitaabka ku xaarkana kaw ka sii iyo qaar kale

Culimadii banaanbaxan ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo cambaareeyn xooggan amerikaanka dusha uga tuuray isagoo sheegay in dowladda mareykanka ku tumatay kitaabka qur`aanka kariimka ah Banaanbaxan oo ku dhamaaday si nabad ah ayaa culimadu waxaa ay ku guubaabiyeen dadkii isu soo baxay inay u istaagaan difaaca kitaabka alle iyo sharafta islaamka

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia