SOMALINET NEWS ...Archives
RA`IISAL WASAARE GEEDI OO SAACADAHA SOO SOCDA U BAQOOLAYO QAARADDA YURUB May 20, 2005
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra`iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaliya Cali Maxamad Geedi uu dhowaan u baqoolayo qaar ka mida wadamada Yurub.
Safarka ra`iisal wasaaraha oo ay ku wehlin doonaan qaar ka mida xukuumadiisa ayaa la sheegayaa inuu ka bilaaban doono caasimadda Faransiiska ee Paris oo uu ka dhacaya shir ku saabsan caafimaadka Xoolaha,wararka ayaa intaa ku daraya in ra`iisal wasaaruhu uuu doonayo inuu halkaa ka jeediyo hadal ku saabsan xayiraadii la saaray xoolaha Soomaliya ee dibadda loo iibgeyn jiray iyo in xayiraadaas laga qaado oo uu furmo suuqii xoolaha soomaliya
Ganacsiga xoolaha ayaa udub dhexaad u ah nolosha dhaqaalaha Soomaliya,waxaana ay sheegayaan ganacsatada xooluhu inay soo wajaheen dhaqaale xumo baahsan tan iyo markii cunaqabateynta la saaray xoolaha Soomaaliya oo laga joogo Sanado badan
Sidoo kale wafdiga uu hogaaminayo ra`iisal wasaare geedi ayaa la sheegayaa inay booqan doonaan Xarunta midowga yurub ee Brassels ee dalka Bilgium,waxaana la sheegayaa inuu weydiisan doono Dhaqaale ay xukuumadiisu ku howlgasho kagadaal markii uu shaaciyay in dhamaadka bishan ay xukuumadiisu dib ugu guureeyso Soomaliya iyadoo dhowr bilood ku sugneyd xarunta Kenya ee nairobi
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia