site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

RA`IISAL WASAARE GEEDI OO KA DEGAY PARIS May 21, 2005

Ra`iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaliya Cali Maxamad Geedi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saacado ka hor ka degay Gegidda Caalamiga ah ee dalka Faransiiska garaahaan Xarunta dalkaasi ee Paris.

Ra`iisala wasaraha ayaa waxaa ku wehliya socdaalkiisa qaar ka mida golihiisa Wasiirada iyadoo halkaasi uu ka furmayo maanta shir looga hadlayo Caafimaadka.

Xoolaha oo lagu soo qaadi doono cunaqabateeyntii la saaray xoolaha Soomalida dhowr sanno ka hor.

Geedi ayaa wararku sheegayaan inuu u gudbi doono dalka Bilgium oo uu uga horeeya Gudoomiyaha Golaha Amaanka Afrika Alfa Omar Konare,waxaana la filayaa inay halkaasi ka soo jeediyaan baahida loo qabo Dhaqaale loo helo Dowladda Federaalka iyo ciidamada lagu wado inay yimadaan Soomaliya ee ka socda wadamada Suudaan iyo Ugandha dabayaaqada bishaan.

Si kastaba ha ahaatee Ra`iisal wasaaraha ayaa sheegay inaysan dowladiisu joogi doonin Nairobi oo ay ka soo guuri doonto isla dhamaadka bishaan 31keeda.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia