SOMALINET NEWS ...Archives
SARKAAL BARQANIMADII MAANTA LAGU DILAY MUQDISHO May 21, 2005
Sarkaalkan oo la oran jiray jiray Maxamad Siciid C/dulle oo ahaa G/Dhexe islamarkaasna ahaa taliyihi ciidanka booliiska ee Bariga, isagoo sidoo kale lagu xusuusto taliyihii saldhiga Howlwadaag ee magaalada muqdisho sanadihii dabayaaqadii sagaashamaadkii iyo labada kunba ayaa saakay barqanimadii la toogtay isagoo ka soo baxay gurigiisa oo ku yaala meel aan ka fogeeyn goobta lagu dilay oo aheeyd caymiska oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dilka sarkaalkan oo ay fuliyeen rag wata gaari cad ayaan hase yeeshee aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa toogashadiisa balse mar ay Somalinet la xiriirtay dadka deegaanka caymiska ayay u sheegeen in sarkaalku uusan wadan wax ilaalo ah iyo hub toona taasina ay u suurtagellsay in si fudud loo toogto.
Sidoo kale waxaan la xiriirnay jeneraal Maxamad Nuur Galaal iyo sida uu u arko dilka sarkaalkan waxaa uuna sheegay inay ka danbeeyaan ragii weligoodba dili jiray saraakiisha ciidamda soomaliya,waxaa uuna tilmaamay inay baarayaan islamkaasina ay soo qabandoonaan.
si kastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu danbeeyay soomaaliya gaarahaan caasimadda muqdisho waxaa nka socday dilal lala beegsanayo saraakiisha ciidanka dalka soomaaliya.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia