site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO TAAGEERAY ISIMADA SOOL May 21, 2005

Kulan toddobaadlaha ahaa oo ay yeelan jireen golaha wasiirrada ee maamul goboleedgka puntland ayaa waxaa lagu taageeray mowqifka ay qaateen qaar kamida isimada G/Sool kuwaasoo qaadacay shir nabadeed ay Dowladda Somaliland ku baaqday.

Golaha wasiirada ee xukuumadda ee puntland ayaa sheegay in baaqa ka soo yeeray Somaliland uusan aheyn mid gudboon islamarahaantaana aaaney shaqo ku laheyn arrimaha G/Sool, kaasoo indhawaalaba uu muran ku saabsan gacankuheynta maamulaka gobolkaasi uu udhexeeyay labada maamul ee Somaliland iyo puntland.

Qaar kamida isimada G/sool ayaa soo saaray qoraal ay ku diidanyihiin shir nabadeedka lagu mudeysanyahay inuu ka dhaco magaalada Sheeq kaasoo la sheegay in loogaga wada xaajoonayo aayaha dambe ee Gobolka Sool iyo cidda mudan iney maamul usameeyso.

Muranka labada maamul ee ku aaddan gobolkan ayaa soo tixnaa tan iyo intii magaalada garoowe loogaga dhawaaqay maamul goboleedka puntland oo ku aadaneyd dabayaaqadii 1998-kii murankaasoo xitaa dhaliyay in labada dhinac ay dagaal isaga hor yimaadaan.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia