site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

WAAN WAAN LAGA WADO HEEJOOW MAXAAD EE GOBOLKA SHABEELADA HOOSE May 21, 2005

Odayaal iyo waxgarad ku howlan waan-waan ay ka dhexwadaan dadka ku nool degaanka Heejow Maxaad ka dib markii halkaasi dhawaan lagu dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Heejow maxaad oo ka tirsan G/Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan iney halkaasi ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisad dagaal oo beryahaan dambe ka oogneyd degaankaasi

Xiisaddan colaadeed oo u dhexeysa laba beelood oo xoolo dhaqato ah kuwaasoo halkaa wada deggan, warka ayaa wuxuu intaasi sii raacinayaa in odayaal iyo wax garad ka socda Degmada Baraawe ee isla gobolkaasi ay ku howlanyiin sidii ay u nabadeynlahaayeen dadka deegaankaasi ooay dagaalladoodu soo noqnoqdeen isla marahaantaana ay ku talo jiraan sidii ay isu soo horfariisin lahaayeen labada malleeshiyo beeleed ee iyagu halkaasi ku dagaalamay dhawaan.

Dagaalka u dhexeeya labadan beelood ayaa waxaa lagu warramayaa inuu salka ku hayo arrimo laxiriira isku qabad dhul daaqsin ah,kaasoo sababay dhmasho iyo dhaawac iyo waliba barakac dadka uu dhaawucu ka soo gaaray dagaalladaasi ayaa waxaa la kala geeyay isbitaallo ku kala yaala Baraawe iyo magaalada Muqdisho halkaasoo weli lagu dabiibayo.

Dagaallada ceynkan oo kala ah ayaa inta badan la arkaa xilli abaareedyada oo sida badanna ay yarhiin goobaha daaqsimada xoolaha ku wanaagsan.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia