site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

RA`IISAL WASAARE GEEDI OO LA KULMAY DANJIRAYAAL SHISHEEYE May 21, 2005

Wararka naga soo gaaraya magaalada paris ayaa sheegaya in ra`iisal wasaaraha dowladda federaalka KMG soomaaliya cali maxamad geedi uu kulamo la qaatay danjirayaal ku sugan halkaasi.

Geedi waxaa uu la kulmay, danjirayaasha qaar ka mida wadamada yurub sida Jarmalka, Britain iyo wakiilo carbeed oo halkaasi ku sugan.

Ra`iisal wasaaraha soomaaliya ayaa u bandhigay diblomaasiyiintaasi,siyaasadda xukuumadiisa ee ku aadan ka howlgelidda gudaha dalka soomaaliya,si gaara howlgalka nabadsugida soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo afrikaan ah,waxaa uuna ka codsaday in laga taageero dhinaca dhaqaalaha iyo qorshayaasha dib u dhiska soomaaliya.

Geedi ayaa la xaqiijiyay in dhamaadka todobaadkan uu ku wajahanyahay magaalada londan, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweyne c/laahi yuusuf oo la rajeynayo inay horay isula saanqaadi doonaan oo ay gaari doonaan wadamada bilgium, yaman, iyo dalal kale.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia