site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XUSEEN CAYDIID OO KA QEYB GALAYA MAALINTA QARANIMADA YEMAN May 21, 2005

<|hussein_aidid.jpg||left|>Wafdigii uu hogaaminayay xuseen maxamad caydiid ee ku sugnaa magaalada sanca ee dalka yaman ayaa maalinka beri ah munaasabadda maalinta qaranimada dalka yaman oo lagu casuumay xubno badan oo ka tirsan dowladda federaalka soomaliya.

Xafladda hab maamuuska qarameedka loo soo agaasimay ayaa beri ka dhaceeysa magaalada mukala,iyadoo halkaasi lagu soo bandhigi doono gaada ka ciyaar ay sameeynayaan ciidamada kala duwan ee dalka yaman iyo fanaaniinta qaranka ee dalkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha Ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka dowlada cusub ee soomaaliya xuseen maxamad caydiid ayaa kula kulmay caasimadda sanca dhigiisa dalkaasi dr rashaad maxamad alcaliimi iyo wasiirka tacliinta yaman dr cabdi salaan aljowfi.

Dowladda yaman ayaa beri u dabaal degeysa sanadguuradii 15aad ee ka soo wareegtay midowga labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta yaman iyo dhismaha jamhuuriyadda carbeed ee yaman sida aan ka soo xiganay wakaalada wararka yaman ee SABA.

hassan cali maxamed

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia