site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

AFHAYEENKA BAARLAMAANKA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY XERADA HIILWEYNE May 22, 2005

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mida xubnaha labada Gole ee ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray xerada Hiilweyne oo 30km dhinaca waqooyi kaga toosan magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka SH/dhexe.

Socdaalka gudoomiyaha ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirada Bootaan Ciise Caalin,Cismaan Xasan Cali ‘Caato’muuse Suudi Yalaxoow sidoo kale waxaa la socday xildhibaano ay ka mid ahaayeen Maxamad Cabdi Yuusuf ,Caasho Xaaji Cilmi,waxaa kale oo socodka afhayeenka ku wehliyay gudoomiyaha gobolka SH/hoose Yuusuf Maxamad Siyaad‘Indhacdde’iyo Xubno kale.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warbixino la xiriira xaaladda Xerada iyo ciidamada ku xareysanba uu ka dhegeystay Saraakiisha ciidanka qalabka sida oo uu ugu horeeyo Jeneraal Maxamad Nuur Galaal iyo Macalimiinta tababar siinaya ciidamada cusub.

Shariifka oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay dhamaan howlwadeenada goobtaas sida ay u muujiyeen dadaalka dadka wax loogu qabanayo,sidoo kale waxaa uu sheegay in qofkasta uu ka mid noqon karo ciidanka,waxaa kale oo uu ku dhiirigeliyay ciidankaasi inay yihiin ciidankii qaranka difaaci lahaa islamarkaasina ay is cafiyaan,waxaa kale oo uu ka codsaday raga hubeeysan ee muqdisho inay hubkooda soo xareeyaan, sidoo kale waxaa uu ka codsaday inay qaadaan isbaarooyinka yaala magaalada gudaheeda, hase yeeshee isla madashaas waxaa ka aqbalay wasiirada Bootan Ciise Caalin, Muuse Suudi,iyo Cismaan Xasan Cali ‘caato’waxayna sheegeen inay qaadayaan isbaarooyinka iyaga u yaala.

Si kastaba ha ahaatee hogaamiyayaasha muqdisho oo looga bartay ballan ka bax ayaa haatan looga fadhiyaa meelmarinta axdiyada la xiriira nabad ku soo dabaalidda magalaada muqdisho,waxaana iminka muuqanaya rajooyin muujinaya waxka qabashada arimaha la xiriira nabadgelyada magaalada muqdisho.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia