SOMALINET NEWS ...Archives
MAGAALADA BOOSAASO OO DAADAD AY GO`DOOMIYEEN May 22, 2005
Wararka ka imaanaya magaalada boosaaso ee G/Bari ayaa sheegaya in magaalada boosaaso ay manta inay ka go`doonsantahay dalka intiisa kale kadib markii habeenkii xalay ahaa halkaasi ay da`een roobab mahiigaan ah oo watay dabeylo xooggan.
Roobabkaasi ayaa wararku sheegayaan inay jareen waddooyinka soo gala kana baxa magaalada boosaaso,waxaana la sheegayaa inay wadadu ka go`day meel aysan gawaaridu ka degi Karin.
Maamulka puntland ayaa la sheegayaa inay ku howlan yihiin wax ka qabashada wadadaasi,iyadoo dadka deegaankaasi ay cabsi iyo walaac ka muujinayaan go`idda wadadaas.
Wadada boosaaso ayaa halbowle u aheyd isu socodka gaadiidka iyo badeecadaha isaga kala goosha gobolada w/bari iyo kuwa dhexe ee soomaliya.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia