site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

QAAR KA MIDA WASIIRADA DOWLADDA KMG OO U SOCDAALAY ETHIOPIA May 22, 2005

Wararka ka imaanaya deegaanada bay iyo bakool ayaa sheegaya in wasiirada garsoorka iyo gaadiidka sheekh aadan madoobe iyo ibraahin kiishbur ay u socdaaleen dhinaca dowladda Ethiopia, waxaana lagu waramayaa inay gaareen deegaanka harar oo ka tirsan ismaamulka soomaalida ee ethiopia.

Warar aan ka helnay illo muhiim ah oo deegaanadaas ku sugan ayaa sheegaya in safarkooda uu yimid markii rasaas iyo hub saarnaa ilaa shan gaadiidka loo yaqaano isjiidka uu xayirmay markii sida la sheegayo ay diideen inuu gudbo ciidan Ethiopian ah oo ku sugan deegaanka ceelbarde ee gobolka bakool,kaasi oo dhaca soohdinta soomaliya iyo Ethiopia ay wadaagaan.

Hubkan ayaa lagu waramay inuu u socday wasiirada ku sugan xuddur,waxaana wararku ay intaa ku darayaan in dowladda Ethiopia ay dooneyso inay kala hadasho sidii loo meel marin lahaa dib u guurista dowladda ee baydhabo iyo jowhar

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in wasiiradan oo socodkooda ka bilaabay ceelberde ay doonayaan sidii ay u heshiisiin lahaayeen laba beelood oo halkaasi ku dagaalamay hase ahaatee ilaa iminka ma jiraan faahfaahin dheeri ah oo safarkooda la xiriirta.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia