site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

XAALADA XERADA HIILWEYNE May 22, 2005

Waa sidee Xaaladda Nololeed ee Xerada Hiil-weyne oo dhawaan ay ka billowdeen tababarro ciidan iyadoo ay xeradaasi muddo ku dhow 15sano baylah aheyd.

Xeradaan Loogu yeero Hiil-Weyne ayaa waxey ka mid aheyd Xeryihii ay ka soo aflaxeen inta badan Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya waxaana markii ugu horreysay ee lagu billaabo tababarka Dhibbowga ciidamada ay aheyd horraantii 1964-kii iyadoo waqtigaa illaa iyo burburkii dowladnimo ee Soomaaliya oo ku beegnayd billowgii1991-kii aheyd xero caan ku ah ciidamada iyo xitaa dadka caadiga ah ee soomaaliya.

Sida hadaba ku dhacday meelo badan oo dhismayaalkii dowladda ah ayaa xeradanna waxaa soo gaaray burbur aad uweyn oo xerada u ekeysiiyay sidii meel aan weligeedba la dagin waxaa burburay dhammaanba dhismayaashii ay xeradanu ka koobneyd marka laga reebo laba qol oo iyagu dush sare shub ka ahaa kuwaasoo muddo ku dhaw 15 sano ay iska dhexdegnayeen illaa 12 askari oo iyagu macallimiin hore uga ahaan jiray xeradaa.

Hadaba waqti aad u dheer ka dib ayaa xeradii ceynkaa aheyd waxaa ka billowday imminka howlihii ay hore uqabanjirtay, maalintii siddeedaad ayaa maantay u buuxsantay.

Markii halkaa la dejiyay malleeshiyaadkii Muqdisho qaar ka mida xeradaasoo maalintii la dejinayay u ekooneyd sidii meel hawd ah ayaa hada waxaad mooddaa iney kasoo reyneyso waxaa haatan xeradaa uu tababar uga socdaa illaa585 sakari oo hore malleeshiyo uaheyd 46 iyguna ah macallimiin tababarka ciidan siiya askarta cusub waxaa sidoo kale xerada ku jira 38 gawaaridii dagaalka ee ay malleeshiyaadku hore u isticmaali jireen.

Maanta ooay xeradaasi booqdeen wafuud labada gole ee Dowladda ka koobnaa oo uu hoggaaminayay mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah afhayeenka golaha Shacabka Qaranka Soomaaliyeed kaasoo xeradaasi ciidanka imminka deggani ay ku siiyeen salaan aan in mudo ahna halkaasi lagu bixin wuxuuna sheegay Shariifku mar uu la hadlayay ciidanka xeraasi ku jira inuu ku faraxsanyahay howlahan yididiilada leh ee ay xeradu markale dib u billowday isagoo mahad celinna usoo jeediyay mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii howshatan abaabulay.

Sikastaba ha ahaatee aniga oo ka mid ahaa dadkii lasocday wafdigii manta booqday xeradaa ayaa waxaa ii muuqanayay iney wax weyn iska beddeleen nolosha iyo aragtida xeradaasi marka loo eego toddobaad ka hor maalintii halkaasi malleeshiyaadka ladejinayay oo aan iyana kamid aha saxaafiyiintii tagatay, waxaaney xeradu haatan u muuqataa xero ciidan oo waxaan arkayay kala dambeyn iyo anshax wanaagsan oo ay la yimaadeen raggii hore malleeshiyaadka u ahaan jiray.

hassan cali maxamed (dhaaleey)

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia