(SomaliNet) 11 qof ayaa ku geeriyootay, todobo kalena waa ay ku dhaawaceen shil gaari oo ka dhacay meel ku dhow magaalada dekada leh ee Kismayu oo 500km oo koonfur kaga beegan caasimada Soomaaliya.
Dad deegaanka ayaa u sheegay in toban ka mida dadka dhintay ay ahaayeen caruur ay da’doodu ka hoo
(SomaliNet) Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalad Baydhabo oo 250km koonfur-galbeed kaga toosan caasimada ayaa maanta ka dooday mooshin ku saabsan turxaan-bixinta howlaha baarlamaanka iyo la xisaabtanka dowlada.
Nuqulo ka mida qoraalka ku saabsan ajendaha ayaa loo qeybiyey x
(SomaliNet) Ra’iisal wasaaraha DKMG ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta golaha wasiirada uga warbixiyey socdaalkii dhowaan uu ku booqday dalal ku yaalla caalamka, isagoo shaaca ka qaaday in wadaamo Afrikaan ay cafiyeen amaahdii ay ku laahaayeen Soomaaliya.
Geedi ayaa wasiirada kula ku
(SomaliNet) Golaha amaanka ee Q.M ayaa shalay si wada jir ah u ansixiyey qaraar ogolaanaya in muddo lix bilood oo kale ah loogu daro kooxda khuburada ee baaraysa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya oo ay ka jiraan rabshado, gaar ahaan caasimada Muqdishu.
15-ka xubnood ee golaha amaanka oo ku sha
(SomaliNet) Dowlada wadanka Kenya ayaa qaaday xayiraadii ay saartay in hay'adaha samafalka ee caalamka ay gargaarka ka gudbiyaan xadkeeda oo ay u geeyaan dalka ay dagaaladu kala gooyeen ee Soomaaliya.
Taliyaha booliska gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya Antony Kibuchi ayaa sheegay in ururada sam
(SomaliNet) Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia oo ka jawaabayey qarax bambaano oo lala beegsaday xili ay maanta ku guda jireen howlgalo baaritaan dhinaca waqooyi ee Muqdishu.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, nin aan la aqoo
(SomaliNet) Baarlamaanka KMG ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo oo 250km dhinaca koonfur-galbeed kaga toosan caasimada Muqdishu ayaa maanta sii waday ka doodistii mooshinkii dhowaan la soo bandhigay ee ku saabsanaa saxida howlaha baarlamaanka iyo la xisaabtanka dowlada - iyadoo x
(SomaliNet) Hogaamiyaha dibad jooga ee maxaakimtii Islaamiga ee la adkaaday ayaa maanta ku gacan seyray baaq ka soo yeeray guddiga dib u heshiisiinta Soomaalida oo ahaa in maxaakimta ay ka soo qeyb galaan shirka nabada oo galay todobaadkii labaad.
Hogaamiyaha golahii fulinta ee maxaakimta Islaami
(SomaliNet) Guddiga caalamiga laanqeerta cas ee ICRC ayaa shalay dafirtay in ay iskaashi la sameeysay jabhadaha ka jira gobolka Ogaden ee dalka Ethiopia, waxayna sheegtay in haddii laga eryo gobolka ay tasai dhaawici doonto dadka rayidka ee u baahan.
ICRC oo fadhigeedu yahay dalka Swiss ayaa camb