(SomaliNet) Ciidamada amaanka ee gobolka Shabellada dhexe oo waqooyi kaga toosan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ayaa maanta fashiliyey qorshe la doonayey in bamb loo dhigo gawaarida dowlada ee isticmaalaysa wadada tagta Muqdishu.
Mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen in ciidamada ay weerareen kooxo
(SomaliNet)Madaxweynaha dalka Kenya ayaa maanta wadahadal la yeeshay madaxaweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo booqasho ku tagay aqalka madaxtooyada Nairobi, sida ay sheegtay idaacada KBC.
Intii uu socday kulankaasi ayaa madaxweyne Yusuf waxa uu uga warbixiyey madaxweyne
(SomaliNet) Iyadoo ay soo tarayaan weerarada wax iskacaabin ee lagu hayo fariisimada dowlada ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdishu, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxa ay caawa baasuukayaal ku weerareen saldhiga booliska degmada Wadajir oo ku taalla dhinaca koonfur-galbeed ee caasimada.
Ma
(SomaliNet) Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ayaa maanta la dhaawacay ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen ay la qaraxday miino loo dhigay meel ku dhow dugsiga tababarka booliska ee ku yaalla Muqdishu, caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah – iyadoo u jiro wa
(SomaliNet) 20 qof ayaa ku dhimatay, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo maanta dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mida dhulka miyiga ee gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkaasina uu ku baahay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka
(SomaliNet) Laba qof oo rayid ah ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii ciidamada amaanka ee dowlada KMG ay maanta rasaas ku fureen suuq ay dadka ka buuxaan oo ku yaalla degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdishu ka dib xalay dagaal xalay magaalada ku dhexmaray kooxaha wax iska caabin
(SomaliNet) Shan qof oo kale ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeeya beelaha Murursade iyo Xawaadle oo mar kale ka bilowday dhulka baadiyaha ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya shalay gelinkii dambe maalin ka dib markii 20 ruux lagu dilay isla gobolkaasi, sida ay sheegayaan wararka maanta la helayo
(SomaliNet) Qarax ka dhacay meel ku dhow goobta shirka dib u heshiisiinta ee Muqdishu
Qarax miino oo lala damacsanaa askarta dowlada KMG ayaa maanta ku qarxay meel ku dhow goobta uu ka socdo shirka u dib heshiisiinta beelaha Soomaalida ee waqooyiga Muqdishu.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo
(SomaliNet)Garabka mucaaradka ee beelaha Hawiye ayaa wax saxaafadeed ay galabta soo saareen waxa ay si caro leh uga jawaabeen hanjabadii ka soo yeertay duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo eedeyntii uu u jeediyey odayaasha Hawiye ee ahaa inay ka dambeeyaan dibaatooyinka ka